Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo dilay Qaasim Xaaji kadib saddex qof oo ay u dileen sabab isku mid ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Kooxo Bistoolado ku hubeysnaa ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ku dishay nin lagu magacaabi jiray Qaasim Xaaji oo kamid ahaa dadka degmada isla markaana si weyn looga yaqaano.

Xiligii la dilayay waxa uu ku sugnaa Xaafadda Sagaalaad ee Degmada Afgooye, waxaana dilka kadib baxsatay kooxdii ka dambeysay.

Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan ama ay la xiriirinayaan kiiskan, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Afgooye

Dilalka qorsheysan ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga dhacay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lala beegsadaa odayaasha lala xiriiriyo soo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa shalay Muqdisho ku dilay saddex qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen dadkii soo xulay xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Maxamed Sheekh Maxamed lagu dilay degmada Dharkeynleey, halka sidoo kale rag hubeysan ay Cabdalla Maxamed Maax ay ku dileen xaafadda KPP ee degmada Hodon.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay degmada Madiina ku dileen Nuur Isxaaq Ileey oo isna ka mid ahaa sida ay sheegeen Ergadii ka qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulayay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this