Deeq A. Posted June 1, 2019 Bardaale (SMN) – Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weeraro xoogan ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya. Weeraradan ayaa ka dhacay degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weeraradaasi kadib dagaallo foolka fool ah ay ka dhaceen halkaasi, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo Raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladaasi iyo weerarada ka horreeyay intaba. Ma jiro weli wax war oo ka soo baxay Al Shabaab iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaaladaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana goobihii lagu daalamay ku sugan Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed View the full article Share this post Link to post Share on other sites