Deeq A. Posted June 1, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bastoolada ayaa ka dhacay koonfurta magaaladaasi, waxaana la sheegay in loo geystay mid ka mid ahaa shaqaalaha QM ee ka howlgala deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Kheyre (Fiinto), waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Salaada Taraawiixda. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahayeen ragga ka dambeeyay dilkaasi, balse dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa falal amni oo darrI oo maalmahan dambe ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites