Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamar Weyne oo xalay u gudubtay Sama-Finalka Tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Degmada Xamar Weyne ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda Xamar Jajab oo ay ka wada tirsan yihiin gobolka Banaadir.

Labada degmo oo u dambeeyay wareega 8 dhamaadka ee tartanka ayaa muujiyay karti, hayeeshii waxa ay guushu raacday degmada Xamar Weyne ee M/ Muqdisho.

Xamar Jajajb ayaa  keensatay 10 buundo, halka Xamar Weyne ay la timid dhibco gaaraya 14, sidaasina waxa ay ugu gudubtay wareega 4 dhammaadka ee tartanka Shabelle.

Wareega Sama-finalka ee tartanka waxa haatan isugu soo haray illaa 4 degmo oo kala ah Howlwadaag, Dharkenley , Shibis iyo Xamar Weyne.

Tartanka u dhexeeya degmooyinkan ayaa waxaa si wadajir ah la qaban doona Habeen dambe, si  ay uga soo baxaan labada degmo ee nasiibka u yeelan doona Finalka.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this