Deeq A. Posted June 1, 2019 Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Sh/Hoose ayaa ku warramaya in xalay dabley hubeysan nin Oday ahaa ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dilka ayaa ka dhacay tuulada sagaalaad ee degmadaasi, waxaana la sheegay in loo geystay Marxuum Cismaan Xaaji Qaasim oo ka tirsanaa dadka deegaanka. Ragii ka dambeeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsaday, sida ay inoo xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka Afgooye oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal iyo falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites