Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Tahay Sababta Looga Gaabsado Dilalka Khaarijinta Ah Ee Ay Fuliso Kuuriyada Waqooyi??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Guud ahaan warbaahinta caalamka ayaa ku warramaysa in Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ay khaarijisay ergaygeedii u qaabilsanaa wada xaajoodyada hubka nuclear-ka, arrintaas oo qayb ka ah khaarijinta lagu hayo saraakiishii ka qayb gashay shir madaxeedkii fashilmay ee dhex maray Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

107189743_5ec0b96e-80b5-426d-9fb3-b8ebae

Hase ahaatee aad ayay u adag tahay in la xaqiijiyo inta bandanna wararkaas waxa ay noqdaan kuwo aan sax ahayn.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo xukuumadda Seoul labaduba waxay marar badan oo hore ku warrameen in la khaarajiyey saraakiil sar sare, balse dhowr toddobaad dabadeed waxaa la arkay raggaas oo nool oo waliba garab taaagan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Arrinta khaarijinta sarkaalkan, ayaa laga soo xigtay hal il oo kaliya oo ah wargays kasoo baxa magaalada Seoul kaas oo ku warramay in garoonka diyaaradaha ee Pyongyang lagu dilay Kim Hyok-chol, oo ahaa ergaygii hore ee Kuuriyada waqooyi u joogay Maraykanka kana mid ahaa xubnihii ka qayb galay shir madaxeedkii magaalada Hanoi ku dhex maray Kim Jong-un iyo Donald Trump.

Ilo wareed kaas ayaa sheegaya in ninkaas iyo afar sarkaal oo kale oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda la dilay. Waxaana lagu eedeeyey in ay baasaas u ahaayeen Maraykanka iyo in ay wada xaajoodka gacan bidixeeyeen.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Kim Yong-chol, oo ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi loona diray Washington si uu u fududeeyo shir madaxeedkii Hanoi, in haatan loo diray xero dhaqan celin ah oo kutaal xadka dalka Shiinaha.

Wararkaas ayaa ah kuwo suurto gal ah. Saraakiishaas ayaan lagu arag meel fagaare ah tan iyo bishii feberaayo oo shir madaxeedkaasi uu dhacay.

Kim Jong-un ayaa si cad uga cadhaysan natiijadii kasoo baxday wadahadalkii uu la yeeshay Donald Trump, waxaana laga yaabaa in uu raadinayo cid uu arrintaas eeddeeda dusha u saaro.

Tanaasulaadkiisa diblumaasiyaadeed ee uu u sameeyey Maraykanka ayaa guuldarraystay kuna dhammaaday natiijo la’aan, arrintaas oo ku keentay in cadaadis uu fuulo.

Cunaqabatayntii dhaqaale ayaa wali saaran. Waxaana la hakiyey wadaxaajoodyadii u dhexeeyey xukuumadaha Washington iyo Pyongyang. Waxayna u badan tahay in xukuumadda Pyongyang ay arrintaas eeddeeda cid uun dusha u saarto.

Kim Jong-un ayaa horay u fuliyey dilal khaarijin ah. Sanadkii 2013, Mr Kim adeerkiis oo ahaa nin aad u awood badan laguna magacaabi jiray, Jang Song-thaek, ayaa la khaarijiyey asagoo lagu eedeeyey khayaano qaran. Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqay geeridiisa maalmo uun kahor inta aanay ku dhawaaqin Kuuriyada Waqooyi.

Hay’adaha sirdoonka ee Seoul iyo Maraykanka ayaa isku dayaya in ay ogaadaan halka uu ku dambeeyey Kim Hyok-chol, oo haatan la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse haddii aanay xukuumadda Pyongyang sheegin halka uu ku dambeeyey, way adag tahay in la ogaado.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this