Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho Ka Dhacday Mareykanka Oo Ay Dad Badan Ku Dhinteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka booliiska gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qof cadheysan oo ka tirsanayaa shaqaalaha wakaalada korontada uu toogasho ku dilay 11 qof oo ku sugnaa dawladda hoose magaalada Virginia Beach ee gobolka Virginia, ka hor intii aanu booliisku toogasho ku dilin qofkii weerarkaas geystay.

907BB553-9A4F-4263-8EB0-3E55C80E7F93_cx0

Taliyaha booliiska James Cervera ayaa sheegay in qofkii toogashada geystay uu si degdeg ah oo aan kala sooc lahayn xabbad ula dhacay dhibanayaashiisii, isaga oo dhismaha dawladda galay saacaddu markii ay in yar dhaaftay 4tii galabnimo ee shalay.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale.

Taliyaha booliiska Cervera oo qofkii weerarka geystay ku sheegay shaqaale cadheysan oo muddo dheer u shaqeynayey wakaaladda korontada, ayaanan bixin faahfaahin ku saabsan magaciisa iyo sababta uu weerarka u geystay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this