Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo Ka hadashay Cabasho la sheegay inay Puntland ka gudbisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu dhex arkay Baraha Bulshada taas oo sheegeysay in dowladda Federaalka ah ay Cabasho ka tahay heshiis Maamulka Puntland iyo Ganacsato ka socda Sharikadda CCECC ay ku kala saxiixdeen China.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa boggeeda Baraha Bulshada dhigtay qoraal kooban oo lagu sheegay in warqaddaasi tahay been abuur iyo ka badbadin aan sal lahayn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda.

Baraha Bulshada ayaa aad looga hadal hayay qoraal loo maleeynayay inay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda, balse wasaaradda arrimaha dibadda ayaa beenisay arintaasi.

Dhawaan waxaa jiray heshiis dhexmaray Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo  baraha bulshada kadib lagu faafiyay qoraal ka hor imaanaya heshiiskaasi.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa safar ku tagay dalka shiinaha isaga oo madaxda dalkaasi kala hadlay arimaha horumarinta deegaanka iyo maalgalinta deegaanada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this