Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka socda Bardaale iyo ciidamada Itoobiya oo weerar culus lagu soo qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Bardaale ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan kadib markii ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka oo saq-dhexe billowday, ayaa la sheegayaa in intiisa badan uu ka socdo hareeraha garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu soo qaaday ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh magaalada. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegayaa inay ridayaan madaafiic culus oo si xooggan looga maqlayo magaalada.

Bardaale ayaa waxa ay saldhig ciidan u tahay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom iyo kuwa kale ee aan Amisom ku jirin ee ka socda dowladda dalkaas.

Waxaa yar xogta laga heli karo khasaaraha dagaalka, ayada oo xilli habeen ay tahay iminka. Wixii kusoo kordha la soco wararkeena dambe Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this