Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Jarmalka Oo Gurigiisa Ka Helay Nin Soomaali Ah Oo La Dilay .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Otterndorf) Booliiska Jarmalka ayaa habeen hore xilli saq dhexe aheyd waxay nin Soomaali ah oo 26 sano jir ah meydkiisa ka heleen guri uu degnaa oo ku yaalla magaalo la yiraahdo Otterndorf oo dalkaas ku taalla.

ABA0E4DF-BE7D-4F78-8E3C-04C613B9C2BF.jpe

Boliiska ayaa waxaa wargeliyey dad Soomaali ah, oo meydka ninkan arkay, iyadoo Otterndorf ay ku taallo gobolka Niedersachsen.

Saraakiisha Booliisku ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in la dilay ninka ka dib markii ay jirkiisa ka heleen calaamado muujinaya in la dilay, iyagoo haatana wada baaritaano la xiriira sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay.

Ninkan Soomaaliga ah ee lagu dilay dalka Jarmalka oo aan magaciisa la sheegin ayaa meydkiisa waxaa gacanta ku haya booliska oo baaritaan ka dib ku wareejin doona Soomaalida si ay u aasaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this