Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdalla Maxamed Maaxi oo Muqdisho lagu dilay isagoo kasoo baxay Masjid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdalla Maxamed Maaxi oo ahaa wiil dhalinyar ah ayaa maanta lagu diley Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada KPP ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa markii la dilayey waxa uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda jimcaha.

Dabley bastoolado ku hubeeysaneed ayaa dilkiisa ka dib goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Banaadir oo meesha ka qaaday meyd wiilka dhalinyarada ahaa.

Alle ha u naxariistee Cabdalla Maxamed Maaxi ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada afgooye, balse Muqdisho u yimid waxbarasho, waxaana weli la ogeyn dadkii ka dambeeyay dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Majirto cid sheegatay masuuliyada dilka wiilkaan yar sidoo kale laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya wali kama hadlin dilka ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal loo geysto askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh, waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this