Sign in to follow this  
Deeq A.

RW:- Kheyre oo soo xiray Imtixaankii Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): –Ra’iisul Wasaraaaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqday Xarunta Gaheyr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Mr Kheyre ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this