Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga dhoofiyey Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): –Ku dhawaad 150 ruux oo isugu jira qaxooti iyo magangalyo doon ayaa diyaarad lagaga qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda u ah dalka Liibiya, iyaga oo la geeyay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaa arrintaas fuliyay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dadka la sii qaaday ayaa ka soo kala jeeda Soomaaliya, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan, badan kooduna waxay u baahan yihiin baxnaano caafimaad waxaana haysa nafaqa darro.

Dadkaas dib u dajinta loo sameeyay waxaa ka mid ah 65 carruur ah oo 13 ka mid ah ay da’doodu ka yartahay hal sano.

Mid ka mid aha carruurtaasina wuxuu dhashay labo bilood ka hor.

Dad badan oo quuddaraynaya in ay Yurub aadaan ayaa ku xayirma Liibiya qaarkoodna waxaa lagu xiraa xarumo dadka lagu hayo oo xaaladdoodu aad u liidato. Xaaladdii sidaa ahaydna waxaa uga sii dartay dagaalka ka socda magaalada Tripoli.

Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo ku sugan Liibiya ayaa sheegay loo baahan yahay “in la sameeyo daad gurayn banii’aadminimo oo dheeri ah”.

Arin tani ayaa imaanaysa xili Dad badan oo ay soomaali ku jiraan ay  wali ku dhibaataysan  yihiim Dalka Liibiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this