Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Khayre oo soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaraaaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre yaa booqday Xarunta Gahayr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  1,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

Imtixaankan ayaa guul kusoo dhammaaday kadib markii uu horey u fashilmay markii qishkiisa la helay, taasi oo hogaamisay in la joojiyo dibna loogu laabto.

Imtixaanka-1.jpg Imtixaanka-2.jpg Imtixaanka-4.jpg Imtixaanka-3.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this