Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya ma waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya mise madaxweyne Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa bilaawday baahinta dacaayado ka dhan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo qabiil u rogay muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Warbaahinta gudaha dalka Kenya oo soo xiganaya mas’uuliyiin ka tirsan waaxyaha amaanka iyo Wasaaradda Arimaha dibadda ayaa bilaabay in ay baahiyaan xogo ku saabsan dad ay ku sheegayn in ay qaraabo dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo qatar amni ku ah Kenya.

Waxay aad wax uga qoreen in ay weerar Kenya ku soo yihiin dad ay ku tilmaameen qoyska Farmaajo oo ay ula jeedaan Beesha Mareexaan islamarkaana ka tirsan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale Kenya sheegtay in ay qabatay Sarkaal aysan magaciisa shaacin oo ay sheegtay in uu kamid yahay NISA, kana tirsan yahay qoyska Farmaajo.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in laba habeen ka hor lagu qabtay garoonka Jomo Kenyatta isaga wata lacag dhan 1.7 milyan dollar, hase yeeshee ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya sarkaal ama lacag la qabtay.

Sidoo kale gudaha Kenya waxaa ka bilaawday kala sooca beelaha Soomaaliyeed ee dega Kenya waxaana walaac soo wajahay beelaha qaar.

Arimahaas oo dhan waxay muujinayaan in Kenya ay dagaalka ay kula jirto Soomaaliya ka dhigeyso mid shaqsi ah, ayada oo beesha madaxweynaha beegsaneysa, si taas cadaadis loogu saaro madaxweynaha looguna qasbo inuu yeelo sida ay dooneyso.

Kenya waxay dooneysaa in ay magac dil iyo sharaf dil ay ku sameyso Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse aysan aheyn wax loo dulqaadan karo arinkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya waa astaanta dalka waxana weerar kasta oo lagu soo qaado ay dhaawac ku tahay sharafta Soomaalida oo dhan waxaana muuqata in Kenya ay ku guul dareysatay damaceedii Badda Soomaaliya waana sababta keentay in ay cadaadis saarto Soomaaliya gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this