Deeq A. Posted May 31, 2019 Bayaan caawa ka soo baxay shir-madaxeedka Carbeed oo ka qabsoomay magaalada Makka Al-Mukarrama, ayaa si adag loogu cambaareeyay fara-gelin la sheegay in dowladd Iraan ku hayso arrimaha gudaha dalalka Carbeed. Bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladda Iraan ay fara-gelin ku hayso, waddamada Yemen, Suuriya iyo Baxrayn, islamarkaana ay taageerto kooxo halis ku ah xasiloonida iyo jiritaanka dalalkaasi Carbeed. Sidoo kale, bayaanka ayaa cambaareeyay weerarada ay malayshiyaadka Xuutiyiinta eeYemen oo taageero ka hela Iraan, ay ku qaadan boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo waddanka Imaaraatiga. Waxaa kale oo sida qoraalka ku xusan Iraan lagu eedeeyay, in ay xoog ku haysato saddex jasiiradood oo ay leedahay dowladda Imaaraatka Carabta. Bayaanka ay soo saareen dalalka Carabta oo ay ka hortimid dowladda Ciraaq oo shirka fadhiday, ayaa intiisa badan lagu cambaareeyay dhaqdhaqaaqyada Iraan ka waddo gobolka, waxaana lagu baaqay in si midaysan loo wajaho fara-gelinta Iraan. Dhinaca kale, waxaa sida qorshaysan isla maanta magaalada Makka ka furmaya shir-madaxeed guud oo ay ku kulmayaan waddamada ururka iskaashiga Islaamka. PUNTLAND POST The post Dalalka Carabta oo si adag u cambaareeyay dowladda Iraan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites