Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Dadkeeda Uga Digtay Inay U Socdalaan Waddamada Soomaliya Iyo KENYA .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain (FCO) waxay kula taliyeen Muwaadiniintooda inaysan u socdaalin dalka Somalia.

A493AA65-79CF-4111-8B9F-306777EC105C.jpe

Qoraal kasoo baxay xafiiskaasi ayaa waxaa muwaadiniinta UK looga digay inay socdaal ku tagaan deegaanada Somalida, oo la sheegay inay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka amaanka ah.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka ee dalka Britain waxa lagu muujiyey inay sii kordhayso cabsida Argagixisadda iyo Afduubka ee ka dhici kara dalka Soomaaliya.

Sidoo kale xafiiska ayaa digniin kasoo saaray deegaano ka tirsan Dalka Kenya inaysan muwaadiniinta u safrin, iyadoo laga baqayo in afduub loogu geysto gudaha dalka Kenya.

Kenya waxaa hadda lagu afduubtay muwaadiniin u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan gacanta Al Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Kenya ku dooneyso in maxaabiistaasi lagu soo daayo.

Ururka Al Shabaab ayaa qatar ku ah dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana weeraro kala duwan oo labada dal ay ka geysteen ay qasabtay inay waxyeelo gaarsiiyaan ajaaniib badan, taasi oo keentay digniinaha dhanka amaanka ee inta badan laga soo saaro labada dal.

Muwaadiniinta u dhalatay UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay feejignaan ka muujiyaan suurtagalnimada weeraro ama afduub ay kala kulmaan ururka Al Shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this