Deeq A. Posted May 30, 2019 Waxey aheyd Jimce ah 27 kii May 1988, kuna beegneyd 7 Shawaal 1408 tirsiga Hijriga, ayaa rajadii laxinaya siibey nafti kusoo laabatey. Kadib, qorshe diyaarsan oo dhameystiran, horena loo arag, badka soo dhigey abaandulihi SNM Ahmed Mire. Qorshahan waxa uu horseed u noqdey isbadal laxaadleh oo gobolka kuyimaada oo ay Ka dhalatey in dawladii dagaalka sokeeye Ka hurayeen dhamaantood ay Kala go’aan. Halka qorshihii nabada iyo iskaashiga Dhaqaale xambaarsanaa dhamaantii daaqada kabaxey, awoodii iska caabintuna, (walow ha tamar yaraatee) ay noqotey ta saaxada Ka aloosan. Ahmed Mire waxa uu diyaarsadey, qorshahan gobolka badley, waxa UU bilaabey laba sano Ka hor , markii garwaaqsadey in sidan tahey dagaal lagaga calaf-qaadi karin Siyaad Barre. Sabata ugu weyna tahey, in Mareykanka iyo Italy ay Ka diideen in Somali NATO hubeyso, taasna ugu badaleyn qorshe difaac oo lamari karin, taas Siyaad u horseedey in uu barkimada dheereysto. Mire waxa uu galey sahan dheer, si xogaha u helo, Ku dhiso hindise dagaal laga awood badanyey, oo guul soo hooya. 27 May habeen jimcaad ayuu qudbad niyad dhis iyo wacyi Ku dheehan yahey siisey ciidan 1200 nin ah, isagoo Ku hal qabsanaya geesiyaal magac reebey oo jihaad Ku suntanaa, sida Daiq bin Ziyaad, muhandiskii furtey Andalus(Spain iyo Portugal), Gen. Sacda-diin Shadali, taliyihii masirga ahaa, ee jabiyey Israel dagaalkii 1973 iyo Ahmed Shaah Mascuud mujaahid Reer Afghanistan ee Soviet Ka Ku ragaadiyey dooxada Baan-Shiir. Niyad Sare(high-moral) iyagoo wata, ayuu Mire ciidankii dhex jibaaxey xeegaano hoosyimaada Wardheer iyo Galaaddi ilaa UU Ka gaadhey, duleedka Garawe, halkaas oo laamida dheer kasoo qabsadeen, walow meelo yaryar dagaal Kala kulmeen, hadana waxey Ku waagi ugu baryey gudaha Burco. Mire waxa ogaadey in uusoo dhaafey dhamaan difaacyadii, Kala dambeeyey ee ciidanka Siyaad Barre iyo in sidaasoo kale aagii galbeedna Hargeysa Ku waabariisteen. Dagaal culus kadib oo Mire, Ku dhaawacmey, SNM gacanta waxey Ku dhigtey Burco marka laga reebo laba goobood. Isla galabta oo kale, ayuu AHN Xuseen Ahmed Guuleed (Xuseen dhhere), kawar heley in dagaalkii Ahmed Mire lagaga baxey, waloow, Burco ay qabsadeen hadana ay aad u arkaan doo to in lasii heysto, isagoo of waa Xuseen Dheere, dhumucda iyo awooda taliska Siyaad Barre. Xuseen waxa barqankii 27 May u boqooley deegaankii ay Ku sugnaayeen aagii ay wada Gali lahaayeen Hargeysa. Ciidankii Sayid Cali oo Xuseen Dheere watey iyo oo Lagu wadey in ay gacanta Ku dhigaan, goobihii ugu adkaa, sida Airport-ka, warshada kabka ee 24aad, xerada madaafiicda ee 11aad(dabada cadaada) iyo ta gantaalaha Naasa-hablood. Jawaab aanu filaneyn buu kala kulmey markii laba xidigle Muuse Biixi usiiyey,……..kuye hadii inamadiinii dab galiseen kuwayaga galin meyno. Xuseen Dheere maskaxdiisiii badal. Talana Ku weynaatey, dhaqso ayuu Aayatulihii SNM Maxamed-Cali Shir ula galey oo isaga guutadiisu loogu tala galey jid-goyn iyo arbush Ku sameeyo inta u dhaxeysa Hargeysa, Berbera iyo Cadaadley. Dhaqso ayeey gudoonsadeen in culeyska laga dulqaado ciidanka SNM ee bilaa difaaca ee Burco qabsadey. Isla markiiba Maxamed Cali waxa uu afka saarey dhankaa iyo Dabis oo Cadaadley,Berbera iyo Mandheera u dhaxeysa, Isla galabtiiba dagaalkiisii waa bilaabey, halka Xuseen Dheere isna ciidankiisii casar gaaban kala caraabey oo meel u dhow Cadaadley 28 kii May Ku kulmeen ciidankii Maxamed Cali, laguna kala qaatey waajibaadkii dagaalka. 29 May iyagoo nasan ayeey fooda isdareen, gaaskii labaad ee aagii 26aad iyo guuto kamaandoos ah oo Cadaadley deganaa(4 kun ilaa 5 kun oo Askari) halka Xuseen iyo Maxamed Cali wateen ilaa 4 boqol oo Askari. Dharaartaas walow xerayihii iyo taliskiiba ay SNM ay gacanta Ku dhigtey hadana ciidankii Siyaad Barre, waxey uga diga rogteen, deegaanka Diri-Maraa oo ilaa 5 km Cadaadley u jirta, si ay isugu soo habeeyaan guluf cusubna soo qaadaan. Gen. Kaahiye oo heystey ciidankii Cadaadley, ayaa taakuleyn dalbadey waxa soo gaadhey ciidan ay Ka midyihiin 120 tikniko ah iyo 90 gaadhi oo ciidan sida oo korneyl buuxa wato. Gen. Kaahiye oo ahaa taliyihii ciidankaas deganaa Cadaadley, Siyaad Barre na kalsooni kuqabey, aqoon ahaan iyo xilkasnimo ba leh kanasoo qalin jabiyey kuliyada saraakisha lagu tababaro ee West-Point Accademy ee Mareykan ku taal. Gen. Kaahiye, waxa bilaabey diyaargarow kadib markuu heley xoojin iyo taakuleyn dhameystiran, oo dhanka Hargeysa uga yimid. SNM waxey talo iskaga yimaadeen, iyagoo shicibkii deegaankana ufurey maqaasiintii qoryuhu yaaleyn ee Carbiska, si ay shicibku u noqdo garab cusub oo Ka dhinac dagaalama. Xuseen Dheere waxa uu soo jeediyey in ciidanku nasto daal sadex maalmood ah kadib, habeenkaasna seexdaan, Maxamed-Cali waa kadiidey, isagoo sababeeyey, in hadii caawa aan ladhaqaaqin in berrito dagaal iyo madaafiic ba Lagu burburin doono. Xuseen Dheere oo Ka eegey culeyska ciidanka Ku dhacey, waa qaatey taladaas dhaxal galka ah ee Maxamed-Cali . Durtaba waxa la bilaabey qorshe dagaal oo Lagu waajahayo ciidan wata in 3 boqol oo baabuur oo gaashaman, kuwo culus sida madaafiicda Garaadka Somaliduna u taqaan pm-Ka, Tawaangi, ilaa kuwa lancruise-rada dhashiikaha saaran. Hadaba, in yar Ila wadaaga, qisadii ciidanka Siyaad Barre iyo qasadii dhanka jabhada. (1) dhanka jabhada, Ahmed Xasan oo ciidankaas kujirey hada ah ganacsade suuqa shiraaqle Hargeysa. (2) korneyl kii xoojinta Hargeysa Ka keeney noqdeyna Gen. Kaahiye Ku xigeenkiisa buug UU qorey. …..Nasiib wanaag sarkaal deegaanka u dhashey, heyb hoosana Xuseen Dheere lawadaaga, in ayaa kasoo goostey, si dhaqso ahna xogtii cadowga soo gaadhsiisey, taliskii SNM ta oo ahaa dooxada durdurka ah ee Cadaadley ee SIIG agteeda. Sarkaalkaasi waxa uu sheegey in ciidamo badan Ka yimaadeen, fadhiisimada, Berbera, Dararweyne, Mandheera iyo Hargeysa intaba. Waxa kale oo sarkaalku sheegey noocyada ay ukala fadhiyaan, waxa Isla markiiba boodey Ahmed Weysa-Cadde oo taliska kamid ah, isagoo Ku dhawaaqaya, waar ninka dila, waa Ina bajinayaaye. Xuseen Dheere ayaa hadalkii qaatey, oo yidhi: Fadhi inooma yaal, hadii waagu inaga baryo, waxa la arkayaa tiradeena, waana la inaga qaqabanayaa. Isagoo, hadalkiisa sii wata, qorshihiisii dagaal (War-plan) ayuu dhaqso u sameeyey, kaasoo plan A uu yahey. (1) in dhamaan Wixii tikniko ah Isla galabta gacmaha lagu riixo ilaa 7 km oo dhanka dambe laga maraa madaafiicda!!! Waayo? Xuseen waxa uu Ku tiraabey hadii madaafiicda aynu qabano dagaalkaas Ku guuleysaney, hadii aynaan qabana, marka la inagu garaaco dhagaxa iyo jeex-jeexa ayeeynu Ku madhaneyna. Ciidankii lugtana afar meelood u qeybiyey isagoo Ka duulaya xogta uu sarkaalkii soo goostey bixiyey. Dagaal galintana Ayatulah: Maxamed-Cali ayaa masuul Ka ah. Waxaana la bilaabaya 3 habeenimo 3am halka Gen. Kaahiye isna rabo in 4 am bilaabo madaafiicda, subixiina ciidanku Ku ruqaansado SNM-ta. Isla habeenkii 3am, ayaa sidii la isku ogaa ciidankii SNM xabadii bilaabeen, qeybtii madaafiicda ay cabsida Ka qabeen. (2) dhanka cadowga, waxa isasoo tareysay jabka ciidanka, saanadoodiina si dhaqso ah u gubaneysay, marba, marka Ka dambeeya, waxa is-qoorsaneysay guuldarooyin isdaba jooga iyo baahiyaha guutooyinka Kala duwan oo gacanta lagu heyn” sidaasna waxa yidhi korneylkii taakulada Hargeysa ka keeney. Korneylku isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi “Ilaa ay gaadhey heer Gen. Kaahiye uu indhahiisa kusoo arko dabka kusoo huraya ee ciidankan madaalaha ah ee SNM ee xawliga isusoo taraya. Gen. Kaahiye, waxa UU bilaabey in fooniyii(milatary wireless communication) toos ugu xidhna Morgan, uu bixiyey hadalo isdhaaf ah, marka uu tabinayo jabka ciidanka waxa uu sheegayaa, guul. Guushana burbur. Yeelkeedee, xili dambe uu isogaadey khaladka uu bixinayo, Gen. Kaahiye oo Ku caan ahaa American military uniform iyo qori, bastoolad aanu dhigi jirin, isagoo niyad jabsan dib usoo baxey geed weyn na hoos fadhiistey, halkaasoo laba Xabo dhafoorka iskaga dhuftey, kuna dhintey. Talo Faro Ka haadey, oo anigaa lawareegey taliskii oo ah korneylkii xaley yimid wax aqoon ahna deegaanka u laheyn, waxaan saxey khadkii, taarka, oo aan Morgan gaadhsiisey in ciidankii aad usoo gurmayo. Si cadho leh, buu Morgan Igu yidhi u dhiib taarka Gen. Kaahiye, waxaan ugu jawaabey taliye nasasho gaaban buu qaatey, baan Ku jawaabey. Si isgaadhsiinta SNM tu u ogaan geeridiisa, hadii aan idhaah fasax dheer buu galey. Layaab waxa igu noqdey, in Siyaad Barre khadka soo galey amarna Ku bixiyey in Xamar lakeeno meydkiisa. Ciidankii hambadiisiina aan Kala soo baxey goobtaas. (3) Waxaan dharaartaas goob joog aan u ahaa Hargeysa oo bando saarantey, lagana qaadayo heestii Samadiidoow dabin baa kuu qoolan, lagugu dili doonoo…..halkaas warkii Cadaadley yimi, baroorta dumarka, afka la isasaarayo iyo rag cadheysan iyo kuwo juuqda gabey, ayaan kusoo marey makhaayad ay Ku kulmi jireen taageerayaashii Siyaad Barre, degdeg baan talaabada u boobey anigoo cabsi igu jirto aargoosi iyo farxada warka aan maqlayo, dhagaheygu waxey maqlayeen, meydku waa wadhanyey min Cadaadley ilaa wadada Berbera. Ugu dambeyntii ciidankii SNM waxa UU sameeyey raad goyn, dhanka Bandar wanaag ciidankii joogey. Morgan waxa uu amrey korneyl kii taliskaa joogey in uu ka hortago ciidankan SNM ta ah. Lkn, taliyihii waa Ka diidey Morgan isagoo leh taliye, ciidankii Cadaadley ragii liqey iima daahayaan. Hada waxa meeshaas yaaley taangiyada kaligood waxey ahaayeen 14 taangi. Morgan waa amar, ee dhaqso uga hortag!!!!!! Taliyihii Bandar-Wanaag amardiidadaas waxa UU kaga jawaabey in uu isdilo. SNM waxa Ka dhintey ilaa tobaneeyo, uu kamid ahaa Ismaciil Haaji Cabdi, xubin golaha dhexe ah, ahaana wariyaashii BBC da 1965-69, kana mid ahaa madax gudidada siyaasada ee golaha dhexe SNM. Maxamuud Biixi hajibihi123@gmail.com Lasoco Qeybta labaad Maxamuud Biixi Axmed Qaran News Share this post Link to post Share on other sites