Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Ka Mid Taliyeyaashii Guutooyinka Gobolka Sanaag Ee Ciidammada Millatariga Somaliland Oo U Goosteen Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo Xayle Xaaji Diraac, oo ahaa taliyeyaashii guutooyinka 93aad iyo 116aad ee gobolka Sanaag ee ciidanka Millatariga Somaliland, ayaa lagu soo warramayaa in ay u goosteen dhinaca Puntland.

Taliyeyaashan goostay ayaa ku andacoonaya in Somaliland ay ku amartay, inay dagaal ku qaadaan degmada Badhan balse ay diideen.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay Sawirro ay ka muuqdaan taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag Cabdillaahi Cumar Cashuur oo ay weheliyaan Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo Xayle Xaaji Diraac.

4.jpg 3-1.jpg 2-1.jpg 1-2.jpg

Maalmihii u dambeeyay waxa Badhan joogay Wasiirro ka socday Maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasi oo uu Shalay ku soo biiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, kaasi oo qayb ka ahaa hawlaha siyaasadeed ee Puntland ay deegaankaasi ka hayso.

Badhan, waxa dhanka Somaliland ka joogay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, kaasi oo halkaa gaadhay Maalin ka dib Xuskii 18-ka May.

Ma Jirto, Cid ka mid ah Masuuliyiinta Dawladda Somaliland oo arrimaha ka socda Badhan ka hadashay, iyadoo Dadka siyaasadda faalleeya qaarkood sheegayaan in Puntland ay Siyaasad ahaan Badhan kaga Adkaatay Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this