Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowled Gobaledka Galmudug Oo Xiriika U Jaray Dowladda Federalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowled gobaledka Galmudug ayaa sheegtay in ay joojisay wada shaqeyntii ay kala dhaxeysay dowladda federalka ee Soomaaliya.

Maamulka ayaa xusay  in dowladda dhexe ay faragalin iyo burbirin ay ku hayso maamul gobaledyada xubnaha ka ah dowladda dhexe gaar ahaan Galmud  taasna ay sabab u tahay in uu maamulku joojiyo wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federalka,

Markii ay arkeen faragalinta, kala qeybinta iyo burburinta Galmudug oo ay wadaan madaxda dowladda federalka.

Markii uu arkay isku dayga madaxdu ay ku doonayaan afduubka dowlad gobaledyada dalka gaar ahaan Galmudug.

Marka aan araknay ku tumashada arrimaha masiiriga u ah dalka sida.

Sharciga Batroolka

Arrimaha amniga

Sharciga canshuuraha.

cunaqabateenta dhaqaale sida (canshuuraha kaluumeysiga iyo qoondadii Galmudug ku laheyd miisaaniyadda dalka iyo qeybtiii miisaaniyadda beesha caalamka)

Is-hortaaga mashaariicda horumarineed ee deegaanada dowlad gobaledka Galmudug.

Qoraalka ka soo baxay dowled gobaledka Galmudug ayaa waxa uu imaanayaa aydoo asbuucii tagay dowled gobaledka Puntland ay shaacisay in ay joojisay wada shaqeytii dowladda federalka ayadoo bandhigtay cabasho kuwan la mid ah.

Halkaan ka aqriso

61474968_597239364132021_154955564412882

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this