Sign in to follow this  
Deeq A.

Zakariye “Waxaa jira dad u adeega Kenya iyo Itoobiya’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Soomaaliya ee ay wadaan dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo difaaca Qaranka iyo jiritaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa intaasi ku daray in ay jiraan dad si gaar ah ugu adeegaya danaha dowladaha Kenya iyi Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli in dhawaanahan Soomaaliya ay dhaq dhaqaqyo xoogan kala kulmeysay dalalka ay dariiska yihiin ee Kenya iyo Itoobiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this