Deeq A. Posted May 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Degmooyinka Dharkenley iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir ayaa caawa ku baratami doono tartanka aqooneedka bisha Ramadaan . Labada degmo oo nasiib u yeeshay in ay u soo gudbaan wareega 8 dhamaadka ayaa tartamadii hore muujiyay karti iyo dadaal dheeri ah. Tartamayaasha degmooyinkan ayaa haatan wada diyaar garow xoogan, waxaana degmada badisa ay u gudbi doontaa wareega Sama-Finalka ee tartanka Shabelle. Tartanka ayaa hatan maraya meel xiiso badan, gaar ahaan is reeb reebka dgemooyinka, waxaana wareega afar dhammaadka horay isaga sii xaadiriyay Howlwadaag iyo Shibis. Sanadkan waxaa tartanka aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marinaya degmooyinka shirkadaha Beco iyo Coca-cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites