Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo dalbaday in dib loogu soo celiyo dalkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanca (SMN) – Waxaa isa sootaraya Cabashooyinka Qaxootiga African-ka ah ee ku nool Yemen ee ku aadan in dhibaatooyin xoogan ay ku wajahayaan dalkaasi.

Qaxootigaan oo ay ku jiraan Dad Soomaali ah  ayaa waxa ay daneynayaan in  dib loogu soo celiyo dalkooda maadaama Colaado ay hareeyeen dalkaasi Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Yemen ayaa sheegtay in iyagoo la kaashanaya Hay’adda IOM ay dib ugu celin doonaan dalalkooda Muhaajiriin isugu jira Somalia iyo Ethiopian.

Meelaha Dadkaan Qaxootiga ah ay ku xanniban yihiin ee ka tirsan dalkaasi Yemen ayaa waxaa ka mid ah  Laxij , Abyan iyo qeybo kale oo dalka Yemen ah.

Waxaa dhinaca kale walaac laga muujinayaa xaaladda Nololeed ee dadkaas oo u badan Ethiopian ayna ka mid yihiin Somali kuwaas oo daruufo adag ay  u sii dheertay dhibaatada Amni ka taagan dalka Yemen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this