Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihi Somaliland ee gobolka Badhan oo iscasilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii Somaliland ugu magacownaa bariga gobolka Sanaag (Badhan) Cali Xuseen Maxamed ayaa saaka ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay islamarkaana gebi ahaanba ka baxay Somaliland.

Cali ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu doonayo in uu dhibaato iyo dagaal u horseedo degaanno nabdoon oo waxqabad iyo horumarin u baahan sidaasi darteedna isagu shakhsi ahan ka sii mid ahaan Karin maamulkaasi.

Wuxu sidoo kale sheegay in isaga iyo ciidamadii ku biiray Puntland ay isku talo yihiin ayna ka wada go’antahay in aysan dhibaato u horkicin bulshada gobolka Sanaag ee nabadda iyo horurinta u baahan.

Iscasilaadda guddoomiyaha ayaa ku soo beegmatay xilli maalmo ka hor saddex taliye oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag ay xilka iska casileen kadibna iyaga iyo ciidamadii ay wateen ku biireen dhanka  Puntland.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihi Somaliland ee gobolka Badhan oo iscasilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this