Deeq A. Posted May 30, 2019 Qeyb kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka. Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post sawirro: Qeyba kamid ah ciidamada ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites