Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): –Shir Madaxeedka Dalalka iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya Magaladda Barakeysan ee Maka Almukarama ee Boqortooyadda Sacuudiga, waxaana ka qayb galaya Madax ka socota ilaa 57 Dal.

Shirka oo ay sanadkan Martigalisay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxaa diirada lagu saari doona Arimaha ugu waa weyn ee ka jira dalalka Islaamka.

Madaxda ka qayb galaysa ee lagu casuumay shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo shaley Gaarey Dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu halkaasi kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Madaxda Boqortooyadda iyo kuwa dalalka kale ee Shirka Iskaashiga Islaamka ka qayb galaya.

Arimaha cajiibka ah ee laga calaamadiyey shirkan furmaya waxaa kamid ah Amiirka Qatar oo ka qayb galaya Shirkan, xili ay Xiisad u dhaxeyso Sacuudiga iyo Qatar.

Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa warqad u diray Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, isagoo ka codsadey in uu kazoo qayb galo kulanka Madaxda Dalalka Islaamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this