Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil qasaaro nafeed sababay oo ka dhacey duleedka Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN): –Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay.

Magacyada 2-da marxuu ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda.Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal.

Sarkaalka ayaa sheegay in uu goobta shilka ku soo arkay gaadiidka oo gubanaya iyo maydadka 2-da marxuum balse aysan weli helin dadkii saarnaa gaariga weyn isagoo intaasi raaciyay in magaalada Qardho lagu qabtay qof argagaxsan oo loo maleynayo in uu yahay darewalkii gaariga xamuulka ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee shilku dhaliyay maadaama aysan markii hore ogayn tirada dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this