Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga Oo Sii Daysay Saynis-yahan Haysta Dhalashadda Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Saynis-yahan Turkish haysta dhlaashadda Maraykanka ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla dalka Turkiga oo uu ku xidhnaa ku-dhawaad 3 sanno.

US-Turkish-scientist-Serkan-Golge.jpg

Serkan Golge oo ahaa Cilmi-baadhe ka tirsanaa Hay’adda Cirbixiyeenadda iyo Hawada Sare ee dalka Maraykaanka ee NASA waxaa uu ka mid ahaa Kumanaan qof oo ay Dowladda Turkiga u xidhay inay ka tirsan yihiin Kooxda uu hoggaamiyo Fatxullahi Guleeen.

Saynis-yahankaasi waxaa sannadkii hore lagu xukumay xabsi 7 sanno iyo badh.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay xaqiijisay in la sii daayey Saynis-yahanka Serken Golge oo ay Dacwad-oogayaasha Turkiga ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Koox argagixiso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this