Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo soo bandhigtay Sarkaal muhiim u ahaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Taliska Hay’adda Nabad Sugida ee degmada Beledxaawo ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Al Shabaab, kaasi oo ka howlgalayay deegaanada gobolka Gedo.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee degmada Beledxaawo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka isku dhiibay ciidamada Jubbaland uu xubin muhiim ah uu ahaa ururka Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku howlan yihiin sidii loosoo qaban lahaa saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay kamid ahaayeen kuwa weerarada ugu badan ka geysanayay deegaanada Jubbooyinka.

Sarkaalka ciidamada Jubbaland kusoo bandhigeen degmada Beledxaawo ayaa kamid ahaa kuwii fuliyay weerarada ugu badan ee Al Shabaab ka geysteen deegaanada gobolka Gedo, sida taliyaha uu sheegay.

Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa shaaciyay in saraakiisha kale ee la shaqeyneysay sarkaalkaan ay fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan ciidamada maamulka Jubbaland, ka hor inta aan la bilaabin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo Al Shabaab wali weeraro ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Dhamaadka bisha Ramadaan ayuu madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay inuu bilaaban doono howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this