Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo sheegay in ay qabteen rag dilal ka geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): –Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed oo Xalay Shir Saxafadeed ku qabatay Xarunta Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixisay Howlgalo ay Ciidamada Amnigu ka sameeyen Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Taliyuhu waxaa ay sheegtay laamaha Amnigu in ay kusoo qabteen Howlgalo laga sameeyay Degmadda Hodan ilaa 3ruux oo lagu tuhmayo falal ka dhan ah Amniga, haatana ay kusocdan Baaritaano.

Shaqsiyaad Laga soo qabtay Degmadda Xamarweyne iyagoo ka ganacsanaya Muqaadaraadka Maanka Dooriya iyo rag siyaabo kala duwan dilal uga fuliyey Muqdisho ayey Warbixinteeda ku dartay Zakiyo Xuseen Axmed oo sharaxaysay Howlgaladii ugu danbeeyay ee Booliska.

Tan iyo Markii Dhawaan lagu dhawaaqay Howlgalo Balaaran oo Caasimada laga fulinayo Ciidamadu waxa ay wadeen Dadaalo kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this