Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha iyo siyaasiinta Habar-gidir oo 3 jeer diiday casuumadda Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii saddexaad muddo 10 cesho gudahood ah baaqday kulan afurin ah oo Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir, si looga hadalo arrimaha ka taagan degaanada Galmudug oo ay doorasho ku soo wajahantahay dhamaadka sanadkaan 2019.

Kulamadaan oo ay abaabuleen Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Wasiir Qoor Qoor, General Gorod iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha Habar-gidir ayaa dhicisoobay sida ay noo sheegayn odayaal ka tirsan dadkii ka baaqday kulankaasi.

Ballantii ugu dambeysay ee baaqata ayaa aheyd habeenkii talaadada oo lagu balamay in kulan Afurin ay ka soo qayb galaan odayaasha iyo siyaasiinta beelaha Habar-gidir balse markii dambe uu suurta geli waayay kulankaasi.

Saddexda jeer ayaa laba kamid ah lagu balamay Madaxtooyada Soomaaliya ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin South Africa, halka kulanka kale lagu balamay Hotel Jazeera balse ay suurta geli waysay in ay dhinacyada aqbalaan ama ay ka soo qayb galaan.

Xildhibaan Ubax Tahliil ayaa talaadadii si kulul u weerartay odayaasha beesha Sacad oo ay ka soo jeedo, waxayna sheegtay in ay qiimeyn waayeen kadib markii ay ka dalbatay in ay ka dhageestaan warbixinta ay wado ah oo ah kulanka Madaxweynaha kadibna ay ka qaataan wixii ka anfaca kulanka balse ay diideen.

Odayaasha ayaa aaminsan hadii ay kulankaasi ka qayb galaan laga bixin doono fasiraad qaldan inta sawiro laga qaato kadibna ay dowladda ku dhaqaaqi doonto talaabooyin aan sax aheyn oo dadweynaha lala wadaagi doono in lagu heshiiyay.

Villa Somalia ayaa kulamo kale ku casuuntay beelaha, Waceysle Abgaal, Murusade, Mareexaan, Dir iyo kuwa kale si ay uga wadahadlaan xaaladda Galmudug oo ay dhowaan ka dhici doonto doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha lamana oga in ay qabali doonaan iyo inkale.

Dowlada Soomaaliya ayaa isku dayeeysa in ay dhinaca dhaqanka ka soo marto arinta Galmudug oo ay u xaal waysay balse waxaa socda kulamo kale oo dhaqanka looga wacyi gelinayo in ay la kulmaan hogaanka dowladda oo lagu eedeeyay in ay curyaamiyeen Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this