Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar dhowr Jiho ah ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku lahaayeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Al Shabaab ayaa weerarka ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin waqooyiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka oo ahaa mid qorsheysan uu ka dhacayay deegaanka ku dhawaad 30 daqiiqo.

Ururka Al Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray saldhiga ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray ciidamada Jubbaland.

Walow Weerarka uu socday inka badan 20 daqiiqo, haddana waxaanan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in hubka noocdayadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid ururka Al Shabaab, dhankooda khasaaro aan badneyn uu sogaaray.

Al Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah marka ay ku qaadaan saldhiga ciidamada ku sugan yihiin waxay ka helaan saanad ciidan, waxaana marar badan ay weeraro  ka geysteen gobolka Jubbada Hoose.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this