Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii ka baxay Somaliland oo si rasmiya ugu biiray Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex taliye iyo ciidamadooda oo ka baxay taliska Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa si rasmiya ugu biiray ciidamada Puntland ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaasha ayaa  Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag si ay halkaasi uga saaraan wefdi ka socda Puntland.

Taliyaasha oo hoggaaminaya ciidamo wadar ahaan gaaraya ilaa 1000 askari balse degaanno kala duwan jooga ayaa ugu dambeytii  si rasmiya ugu biiray ciidamada difaaca Puntland ee gobolka Sanaag sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Sidoo kale waxaa gobolka ku sugan xubno ka tirsan golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland oo sida la sheegayo kulamo la qaadan doona taliyaasha hoggaaminaya ciidamada soo biiray.

Magaalada Badhan ee gobolkaasi waxaa haatan socdaal ku jooga guddoomiyaha Baarlamanka Puntland wasiirka Amniga iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland.

PUNTLAND POST

The post Ciidamadii ka baxay Somaliland oo si rasmiya ugu biiray Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this