Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland hoygiisa ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa xalay hoygiisa  ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Cali Shire.

Mudane Dhoobo ayaa salaaan iyo is-xog-wareysi ugu tegay suldaanka oo kamid ah isimada soo jireenka ah ee ugu waaweyn degaannada Puntland islamarkaana guud ahaan laga ixtiraamo geyiga Soomaalida.

Guddoomiyaha oo shalay gaadhay degmada Badhan ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland oo halkaasi uga sii horreeyay saraakiil ciidan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

1-12.jpg?w=1000&ssl=1 2-10.jpg?w=1000&ssl=1 3-10.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland hoygiisa ku booqday suldaanka guud ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this