Deeq A. Posted May 29, 2019 Gaadiidka shilka galay oo gubanaya Sida la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay shil gaadiid oo ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay sheegeen dadkii goobta tegay. Magacyada 2-da marxuun ee shilka ku dhintay ayaa kala ah Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin oo 2-duba saarnaa gaariga yar ee burburay sida ay xaqiijiyeen eheladooda. Marxuum Maxamed Ciil Qabe oo ku dhintay shilka Gaariga yar oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah sida ay uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal. Sarkaalka ayaa sheegay in goobta shilka uu ku soo arkay gaadiidka oo gubanaya iyo maydadka 2-da marxuum balse aysan weli helin dadkii saarnaa gaariga weyn isagoo intaasi raaciyay in magaalada Qardho lagu qabtay qof argagaxsan oo loo maleynayo in uu yahay darewalkii gaariga xamuulka ah. Marxuum Cabdirashiid Yaasiin qofka labaad ee ku dhintay shilka Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee shilku dhaliyay maadaama aysan markii hore ogayn tirada dadkii saarnaa 2-da gaari ee isku dhacay. PUNTLAND POST The post Shil khasaare nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites