Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku biiray wefdiga Puntland ee ku sugan Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo saaka gaaray maagalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa degmada Badhan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiinta degmada Badhan ee Puntland iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay u horreeyaan saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag waxgaradka iyo salaadiinta degmadaasi.

Socdaalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay wakhti xasaasiya oo colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ay ka aloosantahay degaaanno ka tirsan gobolka Sanaag iyadoo uu socdo abaabul ciidan oo labada dhinacba ah.

Sidoo kale socdaalkiisa ayaa ku soo aaday maalin kadib markii taliyaashii Somaliland u qaabilsanaa bariga gobolka Sanaag ay ku amar-diideen taliyaha ciidamada Somaliland islamarkaana ay qaateen calanka Qaranka Soomaaliyeed inkastoo aysan weli caddayn in ay Puntland ku biireen.

Taliyaasha ayaa sida la xaqiijiyay iska diiday kadib markii taliyaha ciidamada Somaliland uu ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay ku sugan yihiin wefdi ka socda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku biiray wefdiga Puntland ee ku sugan Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this