Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sheegtay in ay la wareegeyso shixnadaha aan lala socon ee ka yimaada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Nairobi (SMN) – Xukuumadda Kenya ayaa sheegtey in aysan oggolaan doonin dalkeeda in  lasoo geliyo alaabaha oo aan lala socon ee la soo saaro diyaaradaha ka imaanaya wadanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda Kenya ayaa lagu shaaciyay in lala wareegi doono lana burburin doono waxkasta oo qofkii lahaa la socon diyaarada, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada dalkaasi.

“Dowladda Kenya ayaa walaac amni ka qabta waxyaabaha dadkii lahaa aan la socon ee lasoo saaro diyaaradaha kasoo duula Soomaaliya, waxayna tani ka hor imaanaysaa xeerarka gaadiidka caalamiga ah ee hawada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhanka kale, xukuumadda Kenya ayaa waxay ku adkeysaneysaa in Mas’uul Soomaliyeed oo wata dukumentiyo iyo fiiso loo diidey inuu  galo magaaladda Nairobi, iyadoo ka jawaabeysa dhacdadii  Jomo Kenyatta Airport.

Saraakiisha socdaalka Kenya ayaa wasiir ku xigeenka Tamarta iy Biyaha, Cismaan Libaax iyo Labo Senetor kasoo celiyay Garoonka Jomo Kenyatta 20-kii bishan, iyagoo wata baasaboorka diblomaasiga.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhacdadan kadib, shaaciyay in wakiiladeeda aysan ka qeyb gali dooni shirarka deeq-biyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ku qabanayaan Nairobi, sababo la xiira caqabado ka jira dhinaca safarka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this