Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo ganacsiga labada dhinac

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida.

Weftigan oo uu hoggaaminayey Xoghaya guud ee hay’adda Socdaalka dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale.

Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana la shaqayndoona wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaadandoona bulshada Dowlad Degaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan booqan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen.

2-8.jpg?w=1000&ssl=1 3-8.jpg?w=1000&ssl=1 5-8.jpg?w=1000&ssl=1 4-9.jpg?w=1000&ssl=1 6-5.jpg?w=1000&ssl=1 7-7.jpg?w=1000&ssl=1 1-10.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo ganacsiga labada dhinac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this