Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ku dhowaaqday tallaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta sheegtay inaysan ogolaan doonin in alaab xamuul ah oo aysan cidna la socon ay diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya geliyaan dalkeeda.

Bayaan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in shixnad kasta oo sidaas ah lala wareegi doono kadibna la burburin doono, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada.

“Dowladda Kenya waxay ogaatay oo ay walaac ka qabtaa shixnado badan oo aysan cidna la socon oo ka imanaya Soomaaliya. Tani waxay jebineysaa xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka, waxayna soo rogaysaa halis amni” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Sidaas darteed, dowladda Kenya ma ogolaan doonto in alaab aysan cidna la socon ay kasoo gasho dalka Soomaaliya. Diyaarad kasta oo arrintaas sameysana waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda”

Arrintan ayaa u muuqata mid cadaadis xooggan lagu saarayo ganacsatada Soomaaliyeed, oo markii hore awoodi jiray in ayaga oo dalka jooga ay alaabo u diraan Kenya, kuwaas oo markii ay halkaas tagaan ay la-wareegi jireen ganacsato kale oo xiriir shaqo la leh.

Go’aanka maanta kasoo baxay Kenya ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dhowr ah oo Kenya ay ku cadaadineyso dowladda Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay Visa-ha ay xubnaha dowladda Soomaaliya ka qaadan jireen garoomada Kenya oo ay joojisay.

Kenya ayaa dooneysa in Soomaaliya ay ku qasabto inay ka laabato dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee la xiriirta badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, waxayna Nairobi dooneysa in arrinta lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this