Deeq A. Posted May 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si deg deg ah ugu yeertay Safiiradeeda u fahdiya dalalka Masar iyo Sudan C/qani Maxamed Waceys iyo C/risaaq Shoole. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in muddo todobaad gudahood loogu yeeraySsafiiradaasi in ay ku soo gaaraaan magaalada Muqdisho Lama oga illaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee loogu yeeraya safiirada Masar iyo Sudan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maanta Madaxweyne Farmaajo uu Cabdixakiim Xasan Ashkar uu u magacaabay safiirka cusub ee Sacuudiga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites