Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo qaraxyo la eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaraxyo Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM maanta siyaabo kala duwan loogu eegtay gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay agagaarka degmada Afgooye ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ku socdaalayay waddada aada dhanka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen, rasaas xoogan, lamana oga khasaaraha ka dhashay iyo midka soo gaaray intaba.

Sidoo kale qarax kale oo Miino ah ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay Ciidamo ka tirsanMilatariga DFS oo marayay nawaaxiga deegaanka Gololey ee gobolka Sh/Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhintay hal Askari, kuna dhaawacmeen labo kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga dowladda.

Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen bar koontarool oo ay ku leeyhiin halka loo yaqaano Ceel Geelow ee gobolkaasi.

Qaraxa saddexaad ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, iyadoona lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse xaaladda ayaa haatan ku soo laabatay si caadi ah.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda waxa ay sheegeen in qaraxii ka dhacay Sh/ Dhexe ay ku dileen Sarkaal ay magaciisa ku sheegeen Jiinow Cigaal iyo Askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ay dhawaceen sarkaal kale oo lagu magacaabo Maxamed Raage, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale waxa ay warkooda ku sheegeen in qaraxa ka dhacay Ex Koontarool Balcad ay ku gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda iyo AMISOM oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this