Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Tacsi Diray Marxuum Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ayaa wuxuu dhammaal tacsi ah u dirayaa, Culimo Awdiinta Dalka , Macalimiinta Madaarista, waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland isagoo ka Tacsiyadanaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali oo 27 /5/2019 -ka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Guddoomiye Cirro ayaa Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh weyn oo dad badan baray cilmiga diiniga ah, isla markaana soo saaray culimo badan oo cilimiga diiniga ah ku takhasustay, kuwaas oo bulshada ugu faa’ideeya cilmigaasi uu Sheekh Baray

Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali inuu dembigiisa u dhaafo, qabrigana u nuuriyo, Janatul Firdowsana ugu deeqo.Qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan shacabka Somaliland-ba, Rabi haka siiyo samir iyo iimaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this