Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin Taree“Deeq Dhiiri Gelin Ayuu Yahay Kuwa Isaga Ka Yar”

Recommended Posts

Deeq A.   

Da’yarta ee 17-jirada Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2018 soo tiigsaday kama dambeysta tartanka dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika kaas oo ka dhacay dalka Burundi.

somali-under17-300x201.jpg

Deeq Cabdiraxmaan Taree waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wacdaraha kusoo bandhigay tartankii ka dhacay Burundi wuxuuna kasoo jeedaa qoys isboorti waxaana dhalay Cabdiraxmaan Axmed Macallin Taree oo iminka qeyb ka ah macallimiinta mashruuc horomarinta ciyaaryahanada xulka qaranka Soomaaliya.

38612401_546917129044852_410327173007461

“Cidna kama fikraynin markii aan ka baxaynay garoonka Aadan Cadde in aan teegsanayno fiinalaha da’yarta Afrika,balse waxa ay ku timid hamiga iyo kalsoonida aan isku qabnay iyo dhiiri gelinta aan ka helnay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay ciyaaryahan Deeq Axmed Macalin Taree.

60282965_716223582114205_593772384212117

Sawirro badan oo muujinaya horomarka laacib Deeq ayaa tan iyo sanadkii hore 2018 wax siw eyn u adeegsaday warbaahinta gudaha iyo dibada wuxuuna xidigana sheegay in uu ku faraxsan yahay heerka uu ka gaaray ciyaaraha kubbadda cagta.

30726780_634850563524803_102137396206973

“Qoyska waa ay ku faanaan Deeq Cabdiraxmaan Taree waayo heer wacan ayuu labadii sano ee lasoo dhaafay ka gaaray heerka wax barashada iyo kubbadda cagta tani waxa ay guul u tahay qoyska uu kasoo jeedo oo ah dad isboorti ama (Family Sports) waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdiramxaan Macallin Axmed Taree oo ah aabaha dhalay Deeq qudhiisana qeyb ka ah tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya.

Sequence-20.00_04_44_12.Still006-300x225

Xirfadyahan Deeq Taree iminka waxa uu ka tirsan yahay xulka qaranka iyo kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo oo ka mid ah naadiyada ka dheela horyaalka Soomaliya,falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha waxa laacibkan ku sheegaan in uu yahay xirfadle aad u sareeya.

Xulka-vo.00_02_44_11.Still002-300x225.jp

“Horomarka aan iminka ka gaaray ciyaaraha waa mid bilaw ah waxaa doonayaa in aan tariikh cusub sameeyo,si mustaqbalka ay caruurtayda ugu raaxeestaan nolashayada guulaha ee isbooortiga”Deeq Cabdiraxmaan Macallin Taree ayaa ugu waramay Goobjoog mar sii horeesay.

DbSlpXcXkAEIpQo-300x200.jpg

Si kastaba xiriirada kubbadda cagta FIFA iyo CAF ayaa Soomaaliya ku amaanay dhisidda da’yarta,iyagoo xiriirka kubbadda cagta kula dardaarmay in ay xooga saaraan dhallinyarada heerka wax barasho oo ay do’dooda u dhaxayso 10-19-jir,si kubbadda cagta dalka ay u gaarto meel aad u saraysa.

Halkan Ka Daawo Macallin Cabdiraxmaan Taree Oo Goobjoog ugu waramay guusha uu gaaray wiilkiisa

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this