Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay safiirka Soomaaliya ee boqortooyada Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cabdixakiim Xasan Ashkar u magacaabay  in uu noqdo safiirka Soomaaliya u qaabilsan qoqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa u yeertay safiirada Soomaaliya u joogay dalalka Masar iyo Suudaan iyadoo ku amartay in ay mudda todobaad gudihiisa dalka ku soo galaan safiiradaasi.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay safiirka Soomaaliya ee boqortooyada Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this