Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo ka fulisay Muqdisho Balcad iyo Mahadaay (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro Al-Shabaab ay ka geysteen degmooyinka Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeeaha Dhexe.

Qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Al-Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa, waxaana ay sheegeen inay ku dileen sarkaal magaciisa lagu sheegay Jiinow Cigaal.

Al-Shabaab ayaa sheegay in sarkaal kale oo magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Raage uu ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay duleedka degmada Balcad, sidoo kale waxay sheegeen in ciidamo kale uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerar ka dhacay duleedka degmada Mahadaay, waxaana ay Al-Shabaab sheegeen inay weerarkaasi la eegteen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay qarax kula eegteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in qaraxaasi uu gabi ahaanba burbur u geystay gaari ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Marka laga yimaado sheegashada Ururka Al-Shabaab ee qaraxyada iyo weerarada ka dhacay Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya.

Maamulka degmada Balcad ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qaraxa ka dhacay duleedka degmada Balcad, kaasi oo saraakiil badan ay waxyeelo kasoo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this