Sign in to follow this  
Deeq A.

Guusha Raysal Wasaare Narendra Modi Maxay Uga Dhigan Tahay Muslimiinta Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Maalmo kadib markii hoggaanka loo doortay markale Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa waxuu isku dayayaa in uu hanto kalsoonida qowmiyada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Hindiya.

1559072312bd70f.jpg

Xisbiga Bharatiya Janata (BJP) oo hoggaanka uu u hayo Modi ayaa markale loo doortay iyadoo ololihii doorashada intii lagu jiray dhibaato badan loo geestay Muslimiinta Hindiya.

Raysal wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in asxaabta mucaaradka ayna ka hadlin waxa ay u qabanayaan Muslimiinta gaar ahaan waxyaabaha asaasiga oo ay u baahan yihiin sida caafimaadka iyo Waxbarashada.

Modi ayaa intaa raaciyay in faquuq kala duwan ay la kulmeen intii lagu guda jiray codbixinta lagu soo doortay baarlamaanka cusub, gaar ahaan deegaanada Mucaaradka.

Balse xildhibaan Asaduddin Owaisi, oo ah xildhibaan rug cadaa ah ayaa sheegay in ayna soo dhaweyneyn khudbada Modi uu uga hadlay qowmiyada Muslimiinta dhibaatada Heysata.

Saacado kadib markii lagu dhawaaqay natiijada ayuu sheegay in si aan ganbasho laheyn loo weeraray deegaano ay ku nool yihiin Muslimiinta Hindiya, waxaana falkaan ka danbeeyay taagerayaasha xisbiga haya Talada.

Hogaamiyaha xisbiga Majlis-e-Ittehadul Muslimeen mr Asadudin Owasi ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaaraha Hindiya haddii ay dhab ka tahay hadalkiisa in uu la yimaado ficil wax lagaga qabanayo dhibaatada iyo weerarada ay la kulmayaan muslimiinta Hindiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this