Sign in to follow this  
Deeq A.

“Itoobiya Dalkeena Ayay Saddex U Qeybisay, Puntland Iyo Somaliland Ayay Ku Dartay…” Yuusuf Garaad

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay mar kale u geftay Soomaaliya, isagoo caddeeyay inay saddex dal u qeybisay, kuna dartay Somaliland iyo Puntland Liiska dalalka wakiilada ka jooga.

Yusuf-Garad-696x425.jpg

Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay oo la socday Liiska Qunsuliyadaha Guud ay Itoobiya ku leedahay dalalka dibadda ay ku dartay Somaliland iyo Puntland inay dalal yihiin.

“Itoobiya Wasaaradeeda Arrimaha dibadda mar kale ayay u geftay Soomaaliya, dalkeena ayay saddex u qeybisay, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran, waxaa ku jira Puntland iyo Somaliland, Soomaaliya Muqdisho ayay matashaa”ayuu yidhi Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad ayaa yidhi “Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya, Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay inay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda”

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay arrintan ka hadasho oo ay waajibkeeda gudato, isla markaana aanay aheyn arrin laga aamuso.

Halkan ka akhriso Lifaaqa Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya:

http://www.mfa.gov.et/home/Missions
wasara-ito.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this