Deeq A. Posted May 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa booqday in ka badan 30 Isgoys oo ku yaalla waddooyinka Wadnaha, Sodonka iyo Warashadaha oo lagu sugo amniga Caasimadda. Isgoysyada uu Ra’iisul wasaaruhu tagay waxaa ka mid ah Sanca, Darjiinka, Siinaay, Howlwadaag, Bakaaraha, Black Sea,Baar-Ubax, Ex Koontarool Afgooye iyo kuwa kale. Intii uu booqashadan ku guda jiray Ra’iisul wasaaruhu waxaa la hadlay qaar ka mid ah dadka shacabka oo uu xog wareystay. Sidoo kale Ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa intaasi kadib kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka G/ Banaadir. Kulankan ayaa diirada lagu saaray xoojinta ammaanka magaalada Muqdisho oo ay haatan howlgallo ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. DFS ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaalada Muqdisho oo mararka qaar weeraro ay ka geystaan Al Shabaab, waxaana haatan Caasimadda ka socda baaritaamo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites