Deeq A. Posted May 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay Arday uu maalintii saddexaad Muqdisho uga socdo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane C/laahi Goodax Barre iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa booqasho ku tagay Iskuulka 15 May ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah goobaha lagu galayo Imtixaanka dowladda. Mas’uuliyintan ayaa Ardayda u sheegay in ay farxad gooni ah u tahay booqashada Iskuulka, maadaama ay ka mid ahaayeen Ardaydii ugu horreysay ee todobaatameeyadii ka aflaxday dugsiga 15 May oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee qadiimiga ah. Sidoo kale xubno ka tirsan golaha shacabka, gaar ahaan guddiga arrimaha bulshada ayaa shalay kormeeray goobo ka mid ah meelaha ay Ardaydu ku galayaan Imtixaanka. Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaraddeeda Waxbarashada ayaa dadaal ku bixineysa Imtixaanada Mideysan ee dowladda, maadaama uu horay hakad ugu yimid, sababo la xariira xogtiisii oo dibadda u baxday. View the full article Share this post Link to post Share on other sites