Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada BF soo galaya doorashada 2020 iyo sida ay codadka u kala helayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka ah ayaa dhowaan u gudbisay Baarlamaanka Federaalka sharciga Doorashooyinka Qaranka ee loogu talogalay in looga gudbo Xilliga kala guurka ah ee 2020-ka, Sharcigan ayaa u baahan in si qotto dheer ay u fahmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaannada Federaalka ah iyo Siyaasiyiinta kale ee u dhuun-duleesha geeddi socodka shuruucda Qaran-Dhiska ah ee lagu askumayo Dowladnimada Soomaaliyeed, Qormadan dulmarka ah waxaa ay iftiiminaysaa Qodobka 12-aad faqradiisa 5-aad ee gundhigga u ah Sharcigan.

Sharciga Doorashada ee loogu magac daray Propotional Represention Closed-List, (PR CL) ama Matalaadda Saami-Qaybsiga ku dhisan ee Liiska Xiran. ayaa ah in waddanka dhan laga dhigo hal Deegaan Doorasho (Single Constituency) oo macnaheedu tahay, in dhammaan Xisbiyada kuwada tartamayaan guud ahaan Dalka. Dadka isu diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan ayaa Dooranaya Xisbiga ay doonaan, Nidaamka PR CL Qofka cod bixiyaha ah ma dooranayo Musharrax ee wuxuu Dooranayaa Xisbi kaliya.

Xisbiyada iska diiwaangaliyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyay shuruudaha ka qaybgalka tartanka Doorashada, ayaa usoo gudbinaya Guddiga Doorashooyinka tixda liiska Xildhibaannada Musharaxiintiisa iyo qoondada dumarka, islamarkaana isudheelitiran yihiin habka isku-dhafka Beelaha ay kasoo jeedaan.

Marka Doorashada ay dhacdo oo dadka codadkooda dhiibtaan, waxaa la xisaabinayaan guud ahaan tirada codadka Dadku ay dhiibteen ee ansaxay inta ay noqoto, Xisbi walba codadka uu helay waxaa laga doonaya in ay gaaraan codad ka kabadan (threshold) 7% guud ahaan tirada codadka ay Dadku dhiibteen si ay uga mid noqdaan Xisbayada ka qaybgalaysa saami qaybsiga xubnaha Baarlamaanka Federaalka.

Habka loogu baddelo codadka Xisbiyadu ay heleen tirada kuraasta Baarlamaanka ay Xisbiyadu ku guuleysteen ayaa ah, in tirada codadka guud

  • ay dadku dhiibteen ee ansaxay lagu salleeyo qoondada tirada kuraasta ee Xisbi walba uu helayo tiro u dhiganta codadka Xisbi walbaa helay, iyadoo lagu jaan-goynayo habka saamiga qaybsiga loogu magac daray Sainte Lague.

Haddii aan tusaale u soo qaadanno, in Doorashada ay ku tartameen 7 Xisbi, tirada dadka codadka dhiibatay guud ahaan Dalka ay noqodaan 4,750,000 cod, Xisbiyada guuleystay waxaa ay noqdeen 5 Xisbi, waxaana Doorashada looga adkaaday ama waayay labada Xisbi ee aan helin codad ku filan oo udhigma 7% codadka guud ee 4,750,000 codka ah.

1, Xisbiga A wuxuu helay 2,000,000 cod (47%)

2, Xisbiga B wuxuu helay    700,000 cod (17%)

3, Xisbiga C wuxuu helay    600,000 cod (14%)

4, Xisbiga D wuxuu helay  500,000 cod (11.7%)

5, Xisbiga E wuxuu helay  450,000 cod (10.5%)

6, Xisbiga F wuxuu helay    250,000 cod (5.8%)

7, Xisbiga G wuxuu helay    250,000 cod (5.8)

Sida uu qabo Qodobka 50-aad faqradiisa 5-aad qaabka qaybinta kuraasta 7-da Xisbi ee ku tartamay doorashada waxaa soo guuleystay 5-ta Xisbi, waxaana haray 2 Xisbi in ay ka qaybgalaan saami qaybsiga kuraasta Xubnaha Baarlamaanka, qaabka qaybinta saamiga Xubnaha wuxuu noqonaya habka Sainte Lague ee tirada kisiga tixan ah ayaa loo qaybinayaa codadka 4,250,000-ka ah 5-ta Xisbi ee guuleystay sida ay u kala heleen 275-ta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah inta ay saami ahaan ugu helayaan Xisbi walbaa ayaa noqonaysa sida hoos ku qoran.

1, Xisbiga A 2,150,000 udhiganta = 130 Kursi

2, Xisbiga B 700,000 udhiganta = 45 kursi
3, Xisbiga C 600,000 udhiganta = 39 kursi
4, Xisbiga D 500,000 udhiganta = 32 kursi
5, Xisbiga E 300,000 udhiganta = 29 kursi.


FG
: Xisbiyada u tartamaya Doorashada ee helay codad kabadan 7% tirada guud ee codadka ansaxay ay ka bataan 5 Xisbi ama ay ka yaraadaan waxaa is baddelaya tirada codadka Xisbi walbaa helayo iyo tirada kuraasta loo qoondeynayo Xisbi walba.

Faah faahinta Nidaamka saami qaybsiga ee Sainte Lague halkan laguma soo koobi karo waxaaa y u baahan tahay in si toos ah loo barto habka loo sharraxo Xisaabta ku hoos jirta.

Gunaanad

Ujeedka qoraalkan waa fududeyn iyo fahamsiin shacabka Soomaaliyeed Qodobada udub-dhexaadka u ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka horyaalla, fariintan kama tarjumayso diidmo ama iin-u yeelid Sharciga Doorashooyinka, turxaan bixinta iyo duleel-daarka Qodobada Sharciga waxaa u idman Hay,adaha Dastuuriga ee u xilrsaarran.

W/Q: Muxudiin Iimaan
Muhyadiin7@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this